Daaweynta HIV iyo taageerada

HIV Health Services Center
Waxaan Xarunteenna HIV Health Services Center ku siinaa daaweyn, taageero, iyo daryeel caafimaad buuxa dadka la nool HIV. Wac si aad ballan u qabsato
Adeegyadeenna HIV
Bukaannada Xarunteenna HIV Health Services Center waxay heli karaan daryeel iyo daaweyn oo ay ku jirto:
- Daryeel caafimaad guud oo goobta
- Maareeyn kiis caafimaad
- Daryeel caafimaadka xiska
- Daaweynta ku-xadgudubka maandooriyaha
- Farmashiga
- Daryeelka ilkaha
- U-gudbinta kaalmo cunto iyo guriyeyn
Sida loo bixiyo qarashka daryeelka HIV
Waxaan ku bixinnaa badanka adeegyadeenna HIV qarash yar ama bilaash. Waxaan ku dallacnaa daryeelka si ku saleysan waxaad bixin karto. Hadaadan bixin karin, weli waxaad heli kartaa daryeelka.
Bixi waxaad awoodo
Qarashyadaada daryeelka HIV wuxuu ku saleysnaan doonaa waxaad awoodo. Waan ku siin doonnaa daryeelkaad u baahantahay xittaa hadaadan bixin karin qarashka.
Waan aqbalnaa ceymis
Xarunteenna HIV Health Services Center wey aqbashaa ceymisyada badankood.
Caawinta ceymiska caafimaadka
Waxaan kugu caawin karnaa codsashada ceymisyada Medicaid, Medicare, Affordable Care Act Plans, iyo ceymis kale gooni u ah HIV si laguugu caawiyo qarash-bixinta daryeelka.
Diyaar u ah ballan qabsasho?
Ogow sida loo noqdo bukaan cusub ama qabso ballan daryeelka HIV.
Adeegyada kale ee dadka qaba HIV
Raadinaya adeegyada kale ee HIV ee bulshadaada? Waan caawin karnaa.
Kiliinigyada kale ee HIV gudaha Portland
Wac Partnership Project si aad wax uga ogaatid kiliinigyada kale iyo adeegyada dadka la nool HIV ee ka jira Portland.
Kiliinigyada HIV gudaha Vancouver
Wac Cascade Aids Project SW Washington si aad u hesho kiliinig ama adeegyada dadka la nool HIV ee gudaha Washington.
Adeegyada bulshada
Wax ka ogow barnaamijkeenna caafimaadka bulshada iyo sida aad u heli karto caawin adoo wacaya 211. Hel caawin la xiriirta guriyeynta, cuntooyinka, iyo siyaado.
Gargaarka degdeggaa iyo saacadaha kadib
Ma u baahantahay daryeel degdeg ah?
Haddii ay ku haysato xaalad caafimaad degdeg ah, wac 911 hadda ama aad qolka gargaarka degdeggaa ee kuugu dhaw.
Hel caawin markii kiliinigyadu xiran yihiin
Hel talo kalkaaliso hadaad u baahantahay caawin kadib markii kiliinigyadeenu xiranyihiin.