Isbeddellada Imanaya ee Oregon Health Plan iyo Medicaid
Isbeddellada Imanaya ee Oregon Health Plan iyo Medicaid
Laga bilaabo sannadka 2027-ka, xeerarka cusub ee federaalku waxay wax ka beddeli doonaan Medicaid, oo sidoo kale loo yaqaan Oregon Health Plan (OHP). Tani waa meesha aad ka heli doonto macluumaadka ugu casrisan iyo taageerada.
Waxaan halkan u joognaa inaan kaa caawino inaad sii haysato caymiskaaga Oregon Health Plan oo aan dib u eegno xulashooyinkaaga. Fadlan la xiriir kooxdayada lambarka 503-988-5270 / Saacadaha shaqada: Isniin - Jimce laga bilaabo 7:30 subaxnimo - 5:30 galabnimo.
Macluumaadka aad bixiso waxaa loo hayn doonaa sir.
Markii ugu dambeysay ee la cusbooneysiiyay: 5 Oktoobar 2026
Ku bood qeybtaan
- Maxaan u baahanahay inaan sameeyo si aan caymiskayga u sii haysto?
- Maxay yihiin Isbeddelladu?
- Dad badan oo waaweyn oo da’doodu u dhaxayso 19 ilaa 64 jir ayaa looga baahan doonaa inay cusboonaysiiyaan marar badan.
- Macluumaad ku saabsan shaqada ama hawlo kale oo loogu talagalay qaar ka mid ah dadka waaweyn.
- Ma laga dhaafi karaa xeerarka shaqada iyo hawlaha?
- Sideen ku caddayn karaa inaan ka dhaafnahay xeerarka shaqada iyo hawlaha?
- Su'aalo?
Maxaan u baahanahay inaan sameeyo si aan caymiskayga u sii haysto?
In kasta oo ay arrimuhu isbeddelayaan, waxaa jira waxyaabo aad samayn karto oo ku caawin doona:
- Ku hay macluumaadkaaga xiriirka mid casri ah si aad u hesho ogeysiisyada ku saabsan caymiskaaga
- Akhri oo ka jawaab wixii ogeysiis ah ee laga yaabo inaad ka hesho oo ku saabsan caymiskaaga
- La soco isbeddellada cusub ee ka imanaya ilo lagu kalsoon yahay, sida websaydhkayaga
- Keen wixii waraaqo ah oo aad hesho ballamahaaga, ama la hayso meel kuu dhow marka aad soo wacayso
- Su’aalo weydii! Waxaan halkan u joognaa inaan kaa caawinno
Maxay yihiin Isbeddelladu?
Isbeddellada ugu badan ee ay waajibinayaan xeerarka cusub ee federaalku waxay ka dhaqan geli doonaan Oregon laga bilaabo Oktoobar 2027. Isbeddellada qaarkood ayaa hore u bilaabmay. Waxaad ka heli doontaa ogeysiisyo ka imanaya Oregon Health Authority oo ku saabsan isbeddellada lagu samaynayo caymiskaaga.
Macluumaad ku saabsan shaqada ama hawlo kale oo loogu talagalay qaar ka mid ah dadka waaweyn.
Dad badan oo waaweyn oo da’doodu u dhaxayso 19 ilaa 64 jir ayaa looga baahan doonaa inay cusboonaysiiyaan marar badan.
Dad badan oo waaweyn oo da’doodu u dhaxayso 19 ilaa 64 jir ayaa looga baahan doonaa inay cusboonaysiiyaan marar badan.
Laga bilaabo Oktoobar 2027, dad badan oo waaweyn ayaa looga baahan doonaa inay cusboonaysiiyaan lixdii biloodba mar, halka xubnaha kale laga yaabo inay u baahan karaan inay cusboonaysiiyaan sannadkiiba mar.
Macluumaad ku saabsan shaqada ama hawlo kale oo loogu talagalay qaar ka mid ah dadka waaweyn.
Laga bilaabo Oktoobar 2027, dad badan oo qaata Oregon Health Plan iyo Medicaid waxay yeelan doonaan shuruudo cusub marka ay cusboonaysiiyaan dheefahooda. Waxaa laga yaabaa inay u baahdaan inay muujiyaan inay shaqeeyaan, iskaa wax u qabso sameeyaan, iskuul aadaan, ama buuxiyaan shuruudaha ka-dhaafitaanka. Si kastaba ha ahaatee, shaqadu khasab ma aha inay noqoto mid waqti-buuxa ah. Kuwani waa qaar ka mid ah hawlaha u qalmi kara:
- Waxbarashada iskuulka
- Ku hawlan tababar shaqo ama shaqo raadis
- Shaqo xilliyeed ama shaqo waqti-dhiman ah
- Iskaa u shaqaysi ama lahaanshaha ganacsi kuu gaar ah
- Daryeelka qof kale, oo ay ku jiraan ilmo ka yar 14 sano jir ama qof kale oo qaba naafonimo
- Adeegga bulshada
Ma laga dhaafi karaa xeerarka shaqada iyo hawlaha?
Haa, qaar ka mid ah dadka qaata Medicaid waa laga dhaafi karaa xeerarka shaqada iyo hawlaha kale. Waa kuwan tusaalooyin ka mid ah dadka u qalmi kara:
- Dadka qaba naafonimo ama daryeelaya qof qaba naafonimo
- Dadka qaba baahiyo caafimaad oo daran ama adag
- Dadka qaba cilladaha daba-dheeraada ee isticmaalka maandooriyaha ama hadda qaadanaya daaweynta la xiriirta isticmaalka maandooriyaha
- Dadka daryeelaya carruur da’doodu ka yar tahay 14 sano
- Dadka Hindida Maraykanka/Dadka Asaliga ah ee Alaska.
- Dadka uurka leh iyo ilaa hal sano ka dib marka uurku dhammaado
- Dhallinyaro da’doodu ka yar tahay 26 sano oo hore ugu jiray daryeelka qoysaska korsada
Sideen ku caddayn karaa inaan ka dhaafnahay xeerarka shaqada iyo hawlaha?
Haddii aad u qalanto ka-dhaafitaan, waxay ka dhigan tahay inaad haysato sabab aadan ugu baahnayn inaad u hoggaansanto xeerarka shaqada ama hawlaha.
Marka la eego isbeddellada xeerarka ee sannadka 2027-ka, waxaad si fudud noogu sheegi kartaa inaad u qalanto ka-dhaafitaan.
Sannadka 2028-ka, waxaa loo baahan doonaa caddayn ku saabsan ka-dhaafitaanno dheeraad ah. Waxaan wax badan ka wadaagi doonaa caddaynta la aqbali doono sannadka 2028-ka ka dib marka dowladda federaalku bixiso tilmaamo dheeraad ah.