Qarash-bixinta daryeelka

Qarash-bixinta daryeelka kiliinigyadeenna
Waxaan qofkasta siinaa daryeel caafimaad. Haddii ceymis ku daboolayo, ama jeebka ka bixineysid wixii aad awoodo, ama aadan bixin karinba, waxaad heli kartaa daryeelka aad u baahantahay.
Ku bood qeybtaan
Bixi waxaad awoodo
Waxaan aaminsannahay qof kasta inuu xaq u leeyahay daryeel caafimaad buuxa oo tayo leh. Daryeelkanagu wuxuu ku saleysan yahay baahiyahaaga, lacagaha la dallacana waxay ku saleysanyihiin waxaad bixin karto.
Qof kasta waa lasoo dhaweeyaa
Hadaad ku nooshahay gudaha Multnomah County, waxaad kiliinigyadeenna u imaan kartaa daryeel.
Bixi waxaad awoodo
Hadaadan haysan ceymis caafimaad ama awoodin bixinta qarashka, waxaan marwalba ku siin doonnaa daryeelka aad u baahantahay.
Waan aqbalnaa ceymis
Waxaan aqbalnaa Oregon Health Plan, Medicaid, Medicare, iyo qaar ceymisyada gaarka ah.
Ceymis la’aan?
Waxaan kugu caawin karnaa isku diiwaangelinta Medicaid iyo adeegyo kale si lagu caawiyo qarash-bixinta daryeelka hadaadan haysan ceymis.
Su’aalaha Biilka?
Waxaan kaa caawin karnaa hadaad qabto su’aalo ku saabsan biilkaaga ama u baahantahay caawin lagu bixiyo biilka.
Diyaar u ah qabsasho ballan?
Ogow sidaa u noqon lahayd bukaan cusub ama u qabsan lahayd ballantaada ku xigta.