Farmashiga

Hel daawooyin oo dib u buuxso daawadaada qoran
Waxaad booqan kartaa mid kastoo ka mid ah farmashiyadeenna Multnomah County oo dhan si aad uga qaadato daawooyin, dib uga buuxsato daawooyin qoran, oo ka hel caawin farmashiistayaasheenna.
Wac si aad dib ugu buuxsato daawo
Hel farmashi kuu dhaw oo isticmaal nidaamkooda foonka ee ootamatiga u ah dib-u-buuxinta. Raac tillaabooyinka hoose markaad soo wacdo.
Wac farmashigaaga
Wac farmashigaaga maxalligaa. Diyaar hakuu ahaado lambarkaaga dib-u-buuxinta.
Raac tilmaamaha
Waxaa lagu dhihi doonaa riix “1” si aad dib ugu buuxsato daawo kuu qoran.
Geli lambarka rijeetada
Isticmaal foonkaaga oo geli lambarka daawada qoran. Waxaad ka heli kartaa lambarka daawadaada ku suntan “Rx#.”
Maxaa u dooran farmashiyadeenna?
Hel daawooyinkaaga intaa caawineysid bulshadaada. Keydimaha ceymiska iyo lacagaha aan helno waxay taageeraan Health Center oo dhan.
Lacag yar ka bixi daawada
Waxaan ku dallacnaa wax ka yar farmashiyada kale. Daawooyinka qaar waa u bilaash bukaannada Health Center.
Si sahlan u qaado daawooyinka
Qaado daawadaada kahor ama kadib ballan caafimaad ama ilko. Kiliinigyadeenna badankood waxaa ku jira farmashiyo.
Hel talo khabiir
Farmashiistayaasheenna waxay kugu caawin karaan fahmidda sida loo qaato daawooyinkaaga waxayna ku siin talo kugu caawisa maareynta xaaladaha caafimaad.
Hel daryeelka aad u baahantahay
Farmashiistayaasheenna waxay si dhaw ula shaqeeyaan dhakhaatiirtaada. Waxay halkaan kuugu joogaan ayagoo qeyb ka ah daryeelka caafimaadka buuxa ee kiliinigyadeennu bixiyaan.
Fiiri adeegyo farmashi oo dheeri ah
Wax ka ogow adeegyada kale ee farmashiyadeennu bixiyaan. Hel farmashi kuu dhaw si aad uga hesho xog dheeriya farmashiistayaasheenna midkooda.
U tuur daawooyinka si ammaan ah
Keen daawooyinkii hore ama aan la isticmaalin, annagaa si ammaan ah u tuuri doonna.
Isticmaal adeeggeenna MedSync
Soo qaado dhammaan daawooyinkaaga isku maalin bil kasta.
U hel Naloxone, gargaar daawo-iska-badin
Ka hel Naloxone mid kastoo ka mid ah farmashiyadeenna. Rijeeto looma baahna.
U hel caawin qarash-bixinta daawada
Waxaan kugu caawin karnaa isku qorista barnaamij kaa caawiya qarashaadka daawooyinka.
Gargaarka degdeggaa iyo saacadaha kadib
Ma u baahantahay daryeel degdeg ah?
Haddii ay ku haysato xaalad caafimaad degdeg ah, wac 911 hadda ama aad qolka gargaarka degdeggaa ee kuugu dhaw.
Hel caawin markii kiliinigyadu xiran yihiin
Hel talo kalkaaliso hadaad u baahantahay caawin kadib markii kiliinigyadeenu xiranyihiin.