Caafimaadka

Daryeel caafimaad buuxa ee adiga iyo qoyskaaga
Hel daryeelka caaafimaadka ee adiga iyo qoyskaaga u baahantihiin. The Health Center wuxuu ka bixiyaa adeegyo buuxa kiliinigyada Multnomah County oo dhan.
Daryeel tayo leh ee qofkasta bulshadeenna
Waxaan siinaa qof kasta daryeel caafimaad tayo sare leh. Hadaadan awoodin qarash-bixinta ama aadan haysan ceymis caafimaad, waan ku caawin karnaa.
Meesha aad ka heli kartid daryeel
Waxaan daryeel ka bixinnaa in ka badan 15 kiliinig gudaha Multnomah County.
Taageero ku hel afkaaga
Turjumaanadayadu waxay kugu caawin karaan foonka iyo inta lagu jiro ballantaada.
Adeegyadeenna caafimaadka
- Daryeelka caafimaadka dadka waaweyn
- Daryeelka caafimaadka carruurta
- Tallaallada
- Daryeelka dhalmada kahor iyo uurka
- Adeegyada caafimaadka xiska
- Daryeelka LGBTQIA+ oo dhan
- Adeegyada qaxootiga
Hel daryeelkaad u baahantahay
Waxaan bixinnaa daryeel tayo u leh dhammaan baahiyahaaga caafimaad.
Caafimaadka
Daryeelkayagu wuxuu daboolaa dhammaan qeybaha noolashaada, oo ay ku jiraan daryeelka caafimaadka jirka iyo xiska.
Ilkaha
Kiliinigeenna ilkaha wuxuu bixiyaa baaritaannada joogtada ah, ilko-buuxin, daryeelka degdega ah ee ilkaha, iyo in ka badan.
Farmashiga
Goobaheenna farmashiyada todobada ah waxay bixiyaan daawooyin iyo la-talin daawooyin.
Caruurta iyo dhallinyarta
Kiliiniggeena iskoolka ku saleysan wuxuu bixiyaa daryeel loogu talagalay dhammaan dhallinyarada Multnomah County ee jira 5-18 sano.
Daaweynta HIV iyo daryeelka
Waxaan bixinnaa daaweynta HIV iyo waxaana kugu xiri karnaa guriyeyn, cunto, iyo taageero dheeraad ah.
Diyaar u ah qabsasho ballan?
Ogow sidaa u noqon lahayd bukaan cusub ama u qabsan lahayd ballantaada ku xigta.
Gargaarka degdeggaa iyo saacadaha kadib
Ma u baahantahay daryeel degdeg ah?
Haddii ay ku haysato xaalad caafimaad degdeg ah, wac 911 hadda ama aad qolka gargaarka degdeggaa ee kuugu dhaw.
Hel caawin markii kiliinigyadu xiran yihiin
Hel talo kalkaaliso hadaad u baahantahay caawin kadib markii kiliinigyadeenu xiranyihiin.