Caruurta iyo dhallinyarta

Xarunta Caafimaadka Ardayda ee caruurta iyo dhallinyarta
Qof kastoo jira 5-18 sano wuxuu daryeel ka heli karaa midkasta Xarumaheenna Caafimaadka Ardayda ee iskoolka ku saleysan. Da’yarta wey booqan karaan kiliinig xitaa haddaysan dhigan iskoolka meeshuu ku yaallo.
Maxaa u booqan Xarun Caafimaad Arday?
Hel isla daryeelka tayada leh ee aad ka heli lahayd kulli kiliinigyadeenna, iyadoo xoogga la saarayo caruurta koreysa. Waxaan bixinnaa adeegyo caafimaad, ilko, iyo farmashi.
Daryeelka khabiirka caruurta
Caruurta iyo waalidiintu waxay nagu aaminaan bixinta daryeelkay u baahanyihiin.
Waa u qarash la’aan bukaannada
Haddii aadan haysan ceymis, weli waad heli kartaa daryeel iyo daawooyin.
Daryeel caafimaad ka jira iskoolka
Xarumaheenna Caafimaadka Ardayda waxay u fududyihiin ardayda iyo ciyaalka kale ee deegaanka inay boodqaan.
Diyaar u ah ballan qabsasho?
Wey fududdahay in la qabsado ama la beddelo ballan Xarun Caafimaad Arday ee iskoolkaaga ama xaafaddaada.
Khadka ku maaree daryeelka
Furo ama isticmaal MyChart si aad ballamaha khadka ugu qabsato.
Gargaarka degdeggaa iyo saacadaha kadib
Ma u baahantahay daryeel degdeg ah?
Haddii ay ku haysato xaalad caafimaad degdeg ah, wac 911 hadda ama aad qolka gargaarka degdeggaa ee kuugu dhaw.
Hel caawin markii kiliinigyadu xiran yihiin
Hel talo kalkaaliso hadaad u baahantahay caawin kadib markii kiliinigyadeenu xiranyihiin.