Bukaannada cusub

Bukaannada cusub, soo dhawaada!
Ogow sida la iskugu diiwaangeliyo bukaan cusub ee Health Center. Ogow waxa la fisho iyo sida loo qabsato ballantaada koobaad.
Noqo bukaan (macaamiil)
Waan kugu caawin karnaa isku diiwaangelinta bukaan ahaan. Taas waxay naga dhigtaa dhaqtarkaaga daryeelka caafimaadka guud. Waan bixinnaa daryeel hadaadan bixin karin qarashka ama aadan haysan ceymis.
Daryeelka waxaa ku jira:
- Daryeelka caafimaadka
- Daryeelka ilkaha
- Daryeelka caafimaadka xiska
- Adeegyada farmashiga
Waxa la fisho ballantaada koobaad
Booqashadaan waa jaansigeenna aan kugu baranno kuna fahanno baahiyahaaga.
Macluumaadka bukaanka cusub
Kow, waxaan ku weydiin doonnaa inaad u buuxiso dhawr foom kooxdaada daryeelka caafimaadka.
Macluumaadka lacag-bixinta
Waxaan sidookale wax kaa weydiin doonnaa awooddaada qarash-bixinta daryeelka iyo wixii ceymis aad haysato.
Waxa aad u soo qaadan ballanta
Xasuuso inaad u soo qaadato waxyaalaha soo socda ballantaada koobaad.
Nooc aqoonsi
Hadii la heli karo, fadlan keen aqoonsi sawir leh sida shatiga darawalka. Ama, waxaad keeni kartaa warqad boosto oo muujineysa cinwaankaaga.
Kaararka ceymiska
Keen kaadhkaaga ceymiska hadaad mid haysato. Hadaad daawo qaadaneyso, keen ceymiskaaga rijeetada hadaad mid haysato.
Daawooyinkaaga hadda
Hadaad daawooyin qaadato, horey u soo qaado kulligood. Ama, waxaad sidookale keeni kartaa liiska daawooyinkaaga.
Diyaar u ah ballan qabsasho?
Tillaabadaada koobaad waa inaad wacdo si aad ballan u qabsato.
Foonka ballan ku qabso
Waxaan ku bixinnaa turjumaad foonka iyo ballantaada. Waxaan ku hadalnaa Isbaanish, Fiidnaamiis, Raashiyaan, Soomaali, Shiineys, iyo kuwakale.